S/Land Oo Maxkamadeynaysa Wiil La Shaqeynayay R/Wasaare Ku Xigeenka Dalka

Laamaha ammaanka ee maamulka Soomaaliland ayaa ka warbixiyay xarig dhawaan Hargeysa loo geystay C/qani Yaasiin Maxamed oo la sheegay in uu la dhaqeynayay R/wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan maxkamad la soo taagi doono Wiilkaasi dhalinyarada ah oo hataan ku xiran Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Soomaaliland waxa ay tilmaamay in C/qani Yaasiin Maxamed uu xoghyen u ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waxaana ay ku eedeeyeen in uu si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaanada Soomaalilnad, sida ay hadalka u dhiogeen.

Inta badan S/land ayaa xarig iyo masaafurin kula dhaqaaqda dadka ay ay u aragato in siyaasad ahaan ay ka soo hojeedaan maamulkaasi.