Kenya Oo Maxkamad Soo Taagtay Sarkaal Ku Biiri Rabay Al Shabaab

Sarkaalkani ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Booliska dalka Kenya ayaa la xiray, kadib markii lagu eedeeyay in uu doonayay in uu ambaboxo Somalia , si uu ugu biiro Al Shabaab.

Mr Karutha Githaiga oo 33 jir ah aya ka soo muuqday Maxkamad ku taalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Saraakiisha Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Kenya aya sheegay in ay baarayaan sababtii uu ku tagay sarkaalkani xarumaha Ciidamada Booliska ee dalkaasi.

Waxaana ay tilmaameen in uu booqday xarumaha Ciidanka ee magaalooyinka Nairobi, Lamu, Malindi, Garsen, Garissa ,Elwaq, Mandera inta uusan isku dayin ku biiritaanka Al Shabaab.

Mr Githaiga ayaa sheegay in uu tagay magaalada Mandera si uuu ugu nolaado, waxaana uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha eedeymahaasi loo jeediyay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka la daagalanka Argagixisada ee Kenya ayaa diiday in eedeysanaha daamaanad lagu siidaayo, isagoona amray in xabsiga lagu sii haayo.

Xarakada Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ay ku qaadeyso gudaha dalkaasi, iyadoona dowladda Kenya ay maaro u la’dahay shaqsiyaadka ka soo jeeda dalkeeda ee ku biiraya Al Shabaab.