Gaalkacyaan ku dhax dhumay!

Saaxiibkey ayaa Magaalada Gaalkacyo igu casuumay , maalin ayaan ka dhumay Gurigiisa: Mobaylkii ayaan ka wacay waxaana ku iri ii tilmaan Guriga? Hadda waxaan joogaa maqaayada “ Rag waa shaah” Fiiri Sawirka 1aad.

Waxa uu igu yiri: Soo raac wadada New London, makaad timaad guriga Jaamac Bidix u leexo, illaa Helton Hotel ( F.S: 2 aad), kadibna u leexo dhinaca Garaashka gadiidka Farsama wanaag ( F.S: 3aad) markaad soo dhaafto Golaha amaanka ( F.S: 4aad) soo raac darbiga Car ku kaadi ( F.S: 5aad) , kadibna igu dhax sug maqaayadda “Nin walbow Taagtaa “hadaadan hub wadan ( F.s: 6aad) anaa kuugu imaanayo , hadda waxaan joogaa ha “Tahriibin Shop” ( F.S: 7aad).

Waxaan ku iri: war maxaad ii wareerinee, meeshaan Doqoshyo ayaa ku yaal ee Hilton iyo Golaha amaanka wax u eg kuma yaaliin.
Guryahaan iyo magacyadooduna isma leh. Wuxuu yiri: maxaad u maagee Guryaha gaalkacyo soo dalka kuma arag Rag badan oo Xilkooda iyo Xirfadoodu ay kala duwan yihiin, magaca ka raac. Ar waa iga raayay saaxiibkeey.

Qore: Yahya Amir