Ciidanka Israel oo Rasaas ku furay Dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah, dhaawac soo gaaray 200-ruux..

Ciidanka Israel oo dhaawacay 200 Falastiiniyiin ah ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka in ka badan 190 oo kalena lagu dhaawacay, ka dib markii Ciidanka Israel ay dad bannaanbaxayaal u adeegsadeen rasaasta nool nool.

Kumanaan reer Falastiin ayaa isugu soo baxay Marinka Gaza, iyagoo ka careysan xadgudubyadda ay waddo xukuumadda Yahuuda.

Ciidanka Israel ayaa la sheegay in dad aan hubeysnayn ay u adeegsadeen rasaasta nool nool, bambooyin iyo sunta dadka kaga ilmeysiisa.

Dadka ay sida ula kaca u dhaawaceen Ciidanka Maamulka Yahuudda ayaa waxaa ku jira dumar iyo carruur, sida ay sheegeen Saraakiisha Falastiiniyiinta.