Askar iyo Saraakiil Boolis oo loo xiray eedeymo la xiriira Musuq maasuq

Hay’adda Dambi baarista ee CID-da ayaa shaacisay in la xiray ku dhawaad 28 Askari  Boolis ah oo ay ku jiraan Saraakiil  oo loo heysto Eedeymo la xariira Musuq maasuq.

Taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi baarista Bishaar Abshir Geedi oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha la xiray lagu eedeeyay Musuq Maasuq.

Waxaa uu sheegay in ay wajihi doonaan baaritaano, dhawaana Maxkamad lasoo taagi doono.

Taliye ku xigeenka CID-da ayaa sidoo kale farriin u diray dhammaan Ciidamada qalabka sidda oo uu sheegay in laga doonaayo in ay ka waan toobaan falalka la xariira Musuq maasuq.