Waa kuma Madaxweynaha Cusub ee Somali State Mustafa Cagjar?

Waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose ee ilaa lixaad ku qaatay Magalada Awaare halka uu ku dhamaystay ilaa galaaska sideedaa magaalada dhagaxbuur.

Dugsigisii sare waxa uu ku qaatay Magaalada Herar (Med-Hani alem school), waxa uuna kamid ahaa ardaydii ku guulaysatay inay ku biiraan jaamacadaha dalka Itoobiya, mustafe maxa uu ku qaatay waxbarashadiisii Heerka koobaad ee Degree jamacadeed Addis-Ababa University (sidhis kiiloo) isaga oo ka qaatay culuunta dhaqaalaha (Economics), waxa uuna kamid ahaa ardaydii ugu firfircoonayd xiligii jaamacada.

Waxaa uu ka qaatay waxbarashadiisa heer Master Jamacad kutaala London, halkaas oo uu ka qaatay culuunta Dhaqaalaha.

Waxaa uu ka shaqeeyay Deegaanka soomalida isaga oo ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan waxa uuna soo maray Maareeyaha macadka Tababarka Macalimiinta, waxaa kale oo uu wasiir kuxigeen ka noqday xafiiska waxbarashada Deeganka soomalida.

Intii uu ku sugnaa deegaanka waxaa kale oo uu ka shaqeeyay haayado caalami ah sida CARE, Save The children isaga oo sanadku markuu ahaana 2006 GC ku biiray haayada qaramada midoobay laanteeda Addis isaga oo ahaa wakiilka deegaanka soomaalida ee haayada qaramada midoobay ee UN OCHA.

Sanadku markuu ahaa 2007 wuxuu uwareegay xafiisyada qaramada midoobay ee laanta zimbabwi, Kenya, United Arab Emirate iyo Somalia.

Intii uu ku sugnaa haayada caalamiga ee UN waxa uu ka qabtay xilal kala duwan ilaa uu ka gaadhay darajada international Staff.

Waxaa intaaa u dheer waa qoraa ku qora luuqadaha Amharic, English iyo luuqada afkiisa hooyo, waxa uuna ahaa nin u dooda xuquuqda aadanaha waxaan urajayn arimahii uu ka hadli jiray inuu fuliyo bulshadana ku dhaqo nidaam cadli ah

Alle hakugu Asturo xilka Mudane Madaxwayne Mustafa Omer

Taariikhda Madaxyanaha oo Kooban