Meeqa qof ayaad taqaan oo sheegatay shaqo qof kale qabtay kuna dalacday?=Nasashada Jimcaha.Q-110aad=.

1-Waqtigii dagaaladii sokeeyo ayaa Qoys reer Xamar weyne ah , waxaa ka dhimatay islaan waayeel aheyd, markii ay qubuuraha geeyeen ayaa lagu yiri: Qabriyadaan diyaarka ah ,qiimuhu waa 100,000 sh.so. intii ay gor gortamayeen ayaa waxaa yimid baabuur Cabdi bile ah oo sida maydadka 5 dhalin yaro ah, waxana loo xisaabiyay godkiiba 20.000 Sh.so.

Qoyskii reer Xamar weyne oo cadaalad daro tirsanayo ,ayaa yiri: annagana 100,000 miyaa, dadka kalena 20,000 sh. miyaa?. waxaa la yiri: Qoladani waa Kilyanti macaamil joogta ah, maalin kasta ayey naga gataan Gudad beec ah, oo wiilal yar yar ay ku aasaan, laakin adinku sanadkii ayaad hal mar qof waayeel ah oo sanado sariir saarnaa noo keentiin. Yaa gar leh?

2-Maroodi ayaa ka cararay Kayntii, waxaa la yiri: Maxaa kugu dhacay oo aad u cararee? Waxa uu yiri: Boqorkii keynta ayaa Dil ku xakumay Giri.waxaa lagu yiri: adigu Giri ma tihid ee maxaad u cararee? Waxa uu yiri: waan ogahay, laakin amarkaa fulintiisa ayaa waxaa loo xil saaray Dameer,waxaan ka baqaa in uu isku keeyn qaldo.( Fiiri Sawirka 1aad)

( khabiir 30 sanno shaqeynayay ayaa yiri: wasaarada waan ka ruqseysaa, waxaa lagu yiri: Maxaa dhacay ,wuxuu yiri: waxaa la yiri: qofkii khibradiisu 2 sanno ka yartahay shaqada ha laga eryo. waxa lagu yiri: Laakin, Adigu waxaad leedahay khibrad 30 sanno ka badan, waxa uu yiri: Haa laakin waxaa loo xil saaray fulinta go’aankaa wasiir aan khibradba u leheyn wasaaradda. Meeshu joogis male.)

3- Booliska ayaa soo wacay Cali Marqaan, kuna yiri: Xaaskaagii Goormee kuugu dambeysay? Waxa uu yiri: Doraad iyada oo suuqa ka soo adeeganee, kadibna khadkaan ku mashquulsanaa. Waxaa lagu yiri: Haweeney xaaskaaga u muuqaal eg ayaa shalay shil ku geeriyootay, Imaaw Isbitaalka, si aad noogu xaqiijiso in ay iyada tahay iyo in kale. Wuxuu yiri: Hadda sooma bixi karo, ee sawir ka soo qaad, ee FB-ga soo dhig kadibna TAG igu soo dheh, haddii aan LIKE Sarro waa iyada.
(Cali Marqaan, Masuulkaa xil kaska ahaa, hadda waa wasiir maamul gobaleed)

4- Tisxi ayaa maalin dhan waxa uu saarnaa Geeska Dibi Beer lagu falayay, habeenkii ayuu Tisxi kale ku yiri: waan daalanahay, maanta oo dhan Dibi ayaan beerta la falayay.( F. S: 2aad). Meeqa qof ayaad taqaan oo sheegatay shaqo qof kale qabtay kuna dalacday?

5- Haweeney Qurbaha ka timid, ayaa 20 sanno kadib xaafadeedii hore soo booqatay, Oday cabdulle oo ay balaan sanaayeen ayaa weeydiiyay Xaliimooy meeqa sanno ayaad Jirtaa hadda. Waxa ay tiri: 30 sanno,waxa uu yiri: soow adigii markii aad dhoofeysay 20 sanno ka hor igu lahaa waxaan jiraa 30 sanno. Waxaa ay tiri: war anigu Naag qoowl leh ayaan ahay, isbebedlka ma jecli, wixii aan mar sheegatana in ka noqdo lagama yaaboma, Afrikaanaka ayaa qowlkooda bedela “ African Proomuus is Baraakin woordiiis ayaan maqli jiray. Cabdulle ayaa yiri: hadda 50 jir ayaan kuu maleynayay, ee Da’da qurbahu ma……..

6- Dameer iyo waraabe ayaa isku qabsaday midabka cowska. Dameerkii ayaa yiri: waa Jaale , waraabihiina waxa uu yiri: waa Midab cagaar ah. Gartii waxaa loo geeyay Aw Libaax. Waxa uuna yiri: dameer ayaa gar leh, waraabana hal bil oo xarig ah ayaa lagu xakumay. Waraabihii ayaa yiri: Laakin Mudane waad ogtahay Midabka Cowsku waa Cagaar. Libaaxii ayaa yiri: waan ogahay laakin Dameer maxaad ugula murantay.( F.S: 3aad)

( Dadka qaar in aad la muranto ayaaba dembi ah)

Qore: Yahya Amir