Maxaa la gudboon ONLF si ay u guuleysato Iyada iyo dhulka Soomaali Galbeedba ?

Inta aanan u gelin nuxurka qormadeyda, Aan marka hore ka hadlo dhowr arimood oo muhiim ah. Kuwaasi oo calaaqa la leh qormadeydan timid waqtigeeda oo aaan ku soo gudbin doono talooyin badan oo muhiim ah oo aan siinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, Gaar ahaan jabahdda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaanno ONLF.

Talooyinkan, Ayaa taaban doono meelo badan oo loo baahan yahay in la ifiyo. Waxaana rajeynayaa [insha alaah] in talooyinkaasi ay horseedi doonaan guul iyo gobonimo. Maadaama aaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda. Hadabo, Waxaa igu qasab ah inaan wax ka iraahdo marxaladdan ay marayaan walaalaheenna Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu bixiyey gumeystihii Ingiriska  ee sirta badnaa.

QODOBKA KOOWAAD:

Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda ku dhaqan dhulkaasi ay taariikhdu u taqaanno Ogaadeeniya Anagana aan mararka qaar ugu yeerno Soomaali Galbeed, Inay ka faa’iideystaan isbadelada ka socda waxan loogu yeero Itoobiya. Kuwaasi oo xanbaarsan fursado badan oo in muddo ah la baadigoobayey. Waxaana ku talinayaa in meel la iska dhigo waxyaabaha yar yar ee lagu kala duwan yahay, Si loo guuleysto.

Waxaan kaloo ku talinayaa in lagu dabafeylo jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaaanka Soomaalida, Taasi oo muddo dheer halgan kula jirtay taliskii ay Tigreedu horboodeysay ee dhibaatada badan geystay. ONLF, Ayaa qeyb ka ahayd isbahasi ballaaran oo ay ku jiraan taageerayaasha jabhadaha mucaaradka Oromada iyo Amxaarada, Kuwaasi oo ugu danbeyn jilbaha u dhgay taliskii Tigreeda.

Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo dadka mucaaradka. Hadabo, Waxaa haboon in ONLF loo daayo matalaadda deegaanka iyo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. ONLF, Ayaa leh qab-dhismeed urur iyo waliba ajandayaal cad cad oo dhamaantood u khidmeynayo qadiyadda dhulka Soomaalida ee xoogga lagu haysto.

Jabhaddani, Ayaa haysata fursado badan oo aysan haysan dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira sida maamulkii Cabdi Cumar oo kale,  Kaasi oo Isaga iyo taageryaashiisuba lagu xaglinayo inay daacad u ahaayeen maamulkii hore ee Tigreeda. Itoobiya, Ayaa caado u ah in marka uu isbedel dhaco in xabsiyada loo diro taageerayaasha maamulkii hore ama ay dibadaha u cararaan sidan marar badanba aragnay.

Waxan kaloo ku talinaya inaan dhib loo arag magaca ay jabhaddu wadato ee Ogaadeeniya. Maxaa yeelay, Magacani waxa  uu qeyb ka yahay taariikhda dhulkaasi iyo magacyada loo yaqaanoba. Maadaama qaddiyadani ay taallo meel badan oo caalamka ka mid ah. Hadabo, Waa muhiim in la sameeyo wax alaale iyo wixii qadiyadda u khimdeynayo. Laakiin waxaa important ah in la ballaariyo golayaasha Jabhadda, Si loogu soo dara Soomaalida ka maqan.

Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in mar kale ay xukuumadda Adis Ababa isticmaasho Soomaali kale, Kuwaasi oo lagu duleynayo dadkooda. Ugu danbeyna xabsiyada loo dirayo. ka dib marka dusha loo saaro gaboodfaladii dhacay sidan marar badanba aragnay. Taana waxaa u daliil ah waxa maanta ku dhacay Cabdi Maxamed Cumar oo aad isu jecleysiiyey taliskii hore. Sow arintu uma eka: Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi doono ?

QODOBKA LABAAD:

Waxaan kaloo ku talinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cayaarto dowrkeeda ku aaddan qadiyaddan muhiimka ah maadaama dadka aannu ka warameyno ay yihiin Soomaali dulman. Sidee loo daawanyaa dad Soomaaliyeed oo u dhiban taariikh dhacday iyo waliba go’aan gumeysi. Mase jirtaa Itoobiya maanta laga baqo oo darteeda loo aamuso ? Sow ma ogidiin in Itoobiya maanta ay la mid tahay sida meyd socda oo kale ?

Waxaan kaloo soo jeedinayaa in qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalidu ay Iyaduna qaadato dowkeeda oo ay qeyb ka noqoto tawjiihinta iyo talo-siinta dadkaasi, Iyadoo waliba laga fogaanayo isticmaalka ereyada xun xun sida ereyga “Soomaalida Itoobiya” oo kale. Sow ma ogidiin in dhulkaasi uu qeyb ka ahaa dhulalkii maqnaa ee soo celintooda loo daadiyey dhiigga badan. Mise waxaa idin han-jibiyey taageerayaasha SNM iyo SSDF oo hadda sita magacyo kale ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramayo waxa la gudboon Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya oo ay horyaallaan fursado ka dhashay isbedeladii ka dhacay Itoobiya oo xoog ku haysato dhulka ay Jabhaddani u dagaalameyso. Isbedaladaasi oo abuuray rajo cusub oo horseedi karta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku mideysan waxan loogu yeero Itoobiya.

Ra’isulwasaraha cusub ee Itoobiya, Ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo jabhadda xoreynta Ogaadeeniya sida uu ula hadleyba jabhadaha kale ee mucaardka ee ka jiray Itoobiya iyo waliba dowladda Ereteriya oo ay calaad xuni kala dhexeysey. Abey Axmed, Ayaan la aqoonin sida ay uga go’an tahay dhameynta qadiyaddan isaga ka weyn. Waxaa kaloon la aqoon inay daacad ka tahay furfurnaanta ka muuqata iyo inay ka tahay iibsasho waqti. We will see.

Maadaama ONLF tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta ka jirta dhulka Soomaali Galbeed, Taasi oo leh  structure maamuleed iyo waliba ahdaaf cad cad oo horseedi karta inay xuroobaan dadkaasi oo  dhulkooda si sir ah loo hoos geeyey gumeysiga Itoobiya muddo haatan laga joogo ku dhawaad 70 sano. Kuwaasi oo hadana loo geystay dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin waqti xaadirkan la joogo.

Sidan soo sheegeyba, Maadaama ay jiraan furfurnaan ka muuqata taliska cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagnno. Kaasi oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo dhab ah oo lala galo Jabhdda ONLF oo ah midda kaliya ee maaanta ka jirta deegaanka Soomaalida, Taasi oo golayaal maamuleed iyo waliba barnaamijo siyaasadeed oo cad cad. Hadabo, Waxaa muhiim ah in lala taliyo Jabhadda si ay u guuleyssato.

WAXA KALA GUDBOON SOOMAALIDA:

Waxaa la gudboon Jabhadda inay la fadhiisato dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, Gaar ahaan dadka waxgaradka sida odoyaasha dhaqanka oo kale, Iyadoo waliba u sharxeyso qorshayaasheeda siyaasadeed iyo waliba dariiqooyinka ay dooneyso in loo maro wadahadalada lala galayo maamulka cusub ee ay horboodayaan qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada oo uu aad u caburiyey taliskii Tigreeda ee arxan-laawaha ahaa.

Waxaa kaloo Jabhadda la gudboon inay la fadhiisato dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira, Iyadoo waliba ku qancineysa inay ka tanaasulaan daba-orodka talis kasta oo yimaadaba, Si loo xaqiijiyo himilooyinka dadka Soomaalida oo runtii aad loo dhibay. Kuwaasi oo la hoos geeyey dad aysan waxba wadaagin. Waxaa kaloo Jabhadda laga rabaa inay hormuud u noqoto qabashada shirar looga tashanayo aayaha gobolkaasi dulman.

Maadaama Jabhaddu leedahay taageerayaal badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda, Iyagana waxaa la gudboon inay qabtaan shirar badan oo lagu soo bandhigayo halgankii ay soo martay Jabhadda iyo waliba ahdaafta ay u dagaalameyso oo uu ku jiro qodob aad u muhiim ah, Kaasi oo dhigayo in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan iyo halka ay u socdaanba.

Qodobkan, Ayaa mixwar u ah halganka jabhadda. Waana halka ay uga duwan tahay dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira. Isla qodobkan, Ayaa ah midka mar walba keenayo inay fashilmaan wadahadalo badan oo dhexmaray Jabhadda iyo Taliskii dumay ee Tigreeda. ONLF, Ayaa dooneysa in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed sida Ereteriyaanka oo kale. Kuwaasi oo ugu danbeyn go’aamiyey masiirkooda.

Hadabo, Si looga faa’iideysto fursadaha maanta jira, Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi ay ku dabofeylaan ONLF maadaama ay tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta jirta dhulkaasi muhiimka ah, Taasi oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo ka duwan kuwii hore ee waqti-dhumiska ahaa, Si xal waara loogu helo qaddiyadan hortaagan nabad ka dhalata Geeska Afrika.

Waxaa kaloo muhiim ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira dhulka Jamhuuriyadda inay soo dhaweeyaan ONLF, Islamarkaana u ogolaadaan inay xafiisyo waa weyn ka furato dhulka Jamhuuriyadda sida Muqdisho iyo Hargeysa oo kale, Maadaama Itoobiya ay u aqoonsatay jabhaddaasi jabhad xornimo-doon ah oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo dhab ah oo ka duwan kuwii hore.

WAXA AY MIISKA LA TAGEYSO:

Waxaa la gudboon Jabhadda Iyadoo ka faa’iideysaneyso khibraddeeda iyo waliba waxyaabihii la soo maray inay markan miiska wadahadalada la tagto qodobo badan oo aan kala dhicin, Kuwaasi oo dhamaantood u khidmeynayo himilooyinka dadka Soomaaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay ka dhaceen dhibaatooyinka badan sida ay sheegeen hay’daha u dooda xuquuqda bini’aadamka sida Human Rights oo kale.

Sidan soo sheegeyba, Waxaa jabhadda looga baahan yahay inay miiska wadahadalada a tagto qodobo badan oo muhiim ah, Kuwaasi oo ka turjumayo halgankii dheeraa ee ay soo gashay, Islamarkaana ka gadmayo dadka Soomaaliyeed ee ay u dagaalameyso, Kuwaasi oo runtii ay soo gaareen dhibaatooyin badan. Waxaana ka mid ah  qodobada ay miiska la tageyso kuwa soo socda:

1- In la saxiixo xabad joojin rasmi ah oo dhowr sano soconeyso.

2- In maxkamad caalami ah la soo taago shaqsiyaadkii dunuubta ka geystay Ogaadeeniya.

3 In magdhow la siiyo dhammaan dadkii waxyeelada loo geystay.

4- Iyo ugu danbeyn in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed si loo weydiiyo waxa ay doonayaan.

Haddii la isla fahmo afartaasi qodob in markaasi loo sameeyo deegaanka maamul KMG oo ay hogaaminayaan dad aqoonyahano ah oo ka madaxbanaan dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira. Maamulkan, Ayaa ka shaqeynayo adeegyada caadiga ah ee uu qaban jiray maamulkii hore marka laga reebo dhexboodka siyaasadda. Waxaa kaloo laga raabaa maamulkaasi inuu fuliyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan ONLF iyo Itoobiya.

Haddii la isla garto qaadista afti dadweyne, In markaas la mudeeyo maalinta la qaadayo aftidaasi xorta ah, Iyadoo waliba lagu casuumayo dowlado waaweyn iyo waliba hay’ado caalami ah, Si looga baaqsado caga-jugleyn iyo waliba wax isdabamarin. Haddii jawaabta ka soo baxda aftidaasi ay noqoto waan madaxbanaanaaneynaa in markaasi la kala baxo, Iyadoo la calaamadeynayo xuduudda u dhaxeyso labada dal (Ogaadeeniya iyo Itoobiya)

Laakiin, Haddii jawaabta ay noqoto waan ka sii mid ahaaneynaa Itoobiya inteeda kale, In markaasi laga wadahadlo qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka. Anigu, Markii aan la sheekeystay dad badan oo Soomaaliyeed oo deegaankaasi ka soo jeeda, Waxay ii sheegeen inay doonayaan inay ka madaxbaanaadaan gumeysi iyo inay cid kale hoostagaan. Waxay kaloo ii sheegeen inaysan dhib u arag aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan.

Si ONLF u guuleysato, Waxay u baahan tahay inay daraaseyso qaabkii ay Ereteriya uga go’day Itoobiya inteeda kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay wax ka ogaato qaabkii Koonfurta Suudaan looga jaray Suudaanta kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay kireysato khubaro caalami ah oo ka caawisa qaabka ugu haboon oo lagu heli karo Ogaadeeniya oo ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale oo aan rajeynayo inay dheereyn insha alaah.

Haddii maamulka cusub ee ka dhashay Itoobiya uu diido in afti laga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi oo uu la soo baxo waxyaabihii lagu yaqiinay ee lugooyada ahaa, In markaasi ONLF ay dib ugu noqoto halgankii dheeraa oo aan aaminsanahay in ugu dabeyn uu guuleysan doono. Maadaama uu yahay halgan caadil ah oo aan cidina lagu dulmeyn sida halgankii dadka reer Ereteriya oo kale, Kaasi oo ugu danbeyn guuleystay.

Ugu danbeyn, Waxaan kula talinayaa ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya inay ka faa’ideystaan isbedelada ka socda Itoobiya oo laga yaabo inay keenaan in dulmiga laga daayo dadka Soomaaliyeed oo loo yeelo waxa ay doonayaan sida Ereteriyaanka oo kale. Waxaan kaloo kula talinayaa siyaasiyiinta deegaankaasi inaysan noqon aalado lagu baabi’iyo himilooyinka dadkooda sida marar badanba dhacday. Ogaadana in guushu aysan fogeyn.

W/Q: Maxamed Ibrahim

Iidka1@hotmail.com