Nin mindi ku hubeesnaa ayaa weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu ka geestay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarkan mindida loo adeegsaday halka labo qof oo kalana dhaawacyo culus soo gaareen, waxaana Warbaahinta sheegeen in ninka weerarka geestay uu ku dhawaaqay Kalmada Allahu Akbar.
Ciidamo katirsan booliiska Faransiiska oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa toogtay ninkii ka dambeeyay weerarka, waxa ayna booliiska durba bilaabeen baaritaanka weerarkan.
Daacish ayaa horey dalka Faransiiska uga geesatay weeraro badan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan weeraradan ka dhaceen magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.