Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u soo galay Somalia

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in maanta  ay ka soo gudbeen xadka ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Itoobiya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ee Gaashaaman ayaa lagu soo warramayaa in ay ka soo talaabeen xadka, gaaar ahaan dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dad deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay u soo jiheysteen dhanka gobolka Baay ee K/ Somalia.

Ethiopian troops ride on a military truck in Somali’s capital Mogadishu December 29, 2006. Somalia’s Prime Minister Ali Mohamed Gedi swept into Mogadishu in an armoured convoy on Friday a day after his Ethiopian-backed forces drove Islamist rivals from the city they had ruled by sharia law since June. REUTERS/Sahal Abdulle (SOMALIA)

Lama oga u jeedada rasmiga ee ka dambeeya arrintan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay tagi doonaan magaalada Baydhabo oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo doorashada hoggaanka maamulka K/ Galbeed Somalia.

Sidoo kale warar kale ayaa ku warramaya in Ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya koonfurta Somalia.

Horay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Itoobiya ayaa ku sugnaa deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.