Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland Oo Bililiqeystay Hoteel Ku Yaalla Kismaayo

Ciidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta ay gudaha u galeen Hoteel lagu magacabo Makka oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay soo wariyeen dad goobjoogayaal ah Ciidamada ayaa bililiqo xoogan kula dhaqaqaaqay Hoteelkaasi, iyaga oo horay u qaatay agab yiilay halkaasi.

Sidoo kale Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in ay gabi ahaan Albaabada isugu dhufteen Hoteelka, kana saareen dadkii daganaa.

Axmed Faarax oo ah Milkiilaha Hoteelka Makka ee magaalada Kismaayo oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Ciidamadu ay xireen Xaaskiisa.

Waxaana uu intaasi ku daray in uusan waxba kala socon weerarka lagu soo qaaday Hoteelkiisa.

Ma cadda illaa iyo hadda u jeedada dhabta ah ee ay Ciidamada NISA Jubbaland u bartilmaameedsadeen Hoteelkaasi.

Hoteelka Makka ayaa ka mid ah Hoteellada ugu caansan ee ku yaalla Kismaayo, iyadoona ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, siyaasiyiin caan ah iyo Ajaaniib.