Suuqa Bakaaraha oo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi galabta lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka rara baabuurta ka baxda Suuqa Bakaaraha ee aada degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay inoo sheegeen dilka kadib inay goobta ka baxsadeen dableyda dilka geysatay kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa la sheegay marka uu dilka dhacayay in isgoyska Bakaaraha ay ku sugnaayeen ciidan dowladeed, kuwaasi oo aanan si deg deg ah uga jawaabin dilkan.