Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn ka geysatay Gobolka Jubada hoose halkaas oo ay sheegtay in ay ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom,ayey ku sheegeen in ay weerarkaas ku dileen 2 ka mid ah Al-shabaab.

Qoraalkooda,waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Soomaaliya ay weerarkaas geysteen.

Weerarkan ayey ku sheegeen in  shalay ay ka fuliyeen Waqooyiga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Waxaa kale oo ay intaas raaciyeen in ay sii wadi doonaan weerarrada ay fasaxa iyo wada shaqeynta uga heystaan Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab.