D.Federaalka oo heshiis la gashay Sharikad laga leeyahay Mareykanka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Sharikad laga leeyaya Dalka Mareykanka,taas oo dowladda Soomaaliya ku matali doonta xafiisyada muhiimka ah ee Mareykanka.

Heshiiska Soomaaliya iyo Sharikadda SPG ayaa ku kacaya $400,000 oo doolarka Mareykanka ah,waxaana billogii Bishan Somaaliya u saxiixay Abuukar Cismaan Baalle oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey,halka dhinaca sharikadda SPG uu u saxiixay Christian Bourge, oo ah madaxa fulinta SPG oo uu fadhigeedu yahay Gobolka Arizona.

Sharikaddan waxaa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa u ololeynta in cunaqabaqeynta dhinaca Kaalmada Ciidanka ah ee saaran Soomaaliya ay ka qaaddo dowladda Mareykanka, in sidoo kale ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dib u cusbooneysiinta Kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya ee dhinaca amaanka ah, in ay ka shaqeyso in Mareykanka oo xayiraadda dhinaca socdaalka ah ee saaran Soomaaliya ka qaado iyo in sharikaddan ay Soomaaliya ku matasho meelaha lagu jaangooyo Siyaasadda Mareykanka.

Sharikadda SPG,waxaa ay sidan oo kale horay wakiil uga noqotay dalalka Afghanistan, Saudi Arabia, Kenya, the Czech Republic, The Kingdom of Bahrain iyo Nepal iyo kuwo kale,waxaana ay dalalka kala shaqeysaa sidii ay waddamada u heli lahaayeen kaalmada Mareykanka.

Sharikadda qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay ka go’antahay sidii aqalka cad ay uga dhaadhicin lahayd in xayiraadda qeyb ahaan saaran Soomaaliya ee kaalmada amaanka iyo socdaalka loo qaadi lahaa.

Musuqa Xubnaha Dowladda Soomaaliya dhexdeeda ah ayaa sabab u noqday in Mareykanka uu joojiyo kaalmadii dhinaca milatariga sida uu horay u sheegay Mareykanka.

SPG waxaa kale oo ay fududeyn doontaa safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Mareykanka oo dhawaan qorsheysan in la kulankiisa madaxda Mareykanka.

Heshiiskan Sharikadda SPG waxaa ay bishiiba qaadan doontaa $100,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu qandaraaskan soconayaa muddo afar bilood ah.