Kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo bandhigtay Fagaare ku yaal Degmada Jilib saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan iyaga oo wata tuutihii ugu dambeeyay ee ciidamada 14-October loo qaybiyay.
Waxaa la ogyahay in 14-Bishii July Rag hubaysan oo Afar gaaraya inay soo weerareen Koontaroolka Ciidanka Beerta Nabadda ay ku leeyihiin, iyaga oo xiran tuutaha Ciidanka 14-October, halkaasina lagu dilay.
Saraakiisha Shabaab ee dharka ciidamada watay ayaa waxaa ka mid ah Abuu Cabdalla, isagoo watay Tuutaha Ciidanka 14-ka October ee Sawiradooda la arkay.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya, taasi waji gabax ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.