Waan ku cafiyay Alle dartiis.

Waa wada cafiyay, caawa intii aan wax ka tabanayay, iyo intii dambi aanan ogeyn iga gashay. ( Allaah dartii ).

Adinkana sidaa oo kale ayaan idinka codsanayaa, Inta xajka gudaneysana Alla ha u aqbalo.

Inteena soomanaa maalmahaan Carafa ee barkeysan Alla hanaga aqbalo, inta aan hore u soomina berri in ay nala soomaan Alla haku hanuuniyo, waa Sunna wanaagsane. Sabab:

Rasuulkeena Moxamed SCW waxa uu yiri: maalinta Carafa waa maalinta ugu badan ee Allah uu adoomankiisa Naarta ka xoreeyo, ( ma xaa ka fiican in magacaaga laga tiro liiska naarta).waxaa kale oo uu yir: rasuulkeena CSW, Soomka maalinta Carafo waxaa lagu dhaafaa dunuubta Sannadkii tagay iyo midka soo socdo.

Weliba sannadkaan Carafo waxa ay Ku soo aadee maalin Isniin ah oo horeba soon suna ah loo soomi jiray. Allaah hanagu hanuuniyo in aan soono,Allana hanaga Aqbalo.

Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Qore: yahya Amir.