Maamulka Magalada Marka oo ku dhawaaqay isbedel cusub

Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa shalay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya halkaas oo inta badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada la wareegay Marka ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood,waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga sameeyo degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka koonfur Galbeed Cumar Macalin oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab inta badan kala wareegeen xaafadaha Magalada Marka,isla markaana aysan jirin ilaa iyo hadda goobo ay ka taliyaan.

Waxa uu sheegay in maamulku uusan aqbaleyn in maalin walba lagu dul dagaalamo Shacabka dushiisa,isla markaana isbedel dhanka Maamulka ah ay sameyn doonaan si amniga Magalada uu u noqdo mid hagaaga.

Wararkii u dambeeyey ee Maanta aan ka heleyno Marka ayaa waxa ay ku waramayaan in jawiga Guud uu yahay mid degan,isla markaana saakey waaberigii Ciidamada Dowladda ay xaafadaha qaar howlgallo ka sameeyeen.