Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Sh/ Dhexe

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyadan oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda agagaarka deegaanka Caliyaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana ay yimaadeen dhaq dhaqaaqyadan, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab weerar qorsheysan ay ku qaadeen fariisin Ciidan oo ku taalla deegaankaasi.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay illaa 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga Somalia, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan howlgalladaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhoco halkaasi, maadaama Al Shabaab weli ay ku xoogan yihiin qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe.