Shaqaalaha Safaaradaha oo dalka looga yeeray, Maxay Sameeyeen?

2010 ayaa hal mar la amray howlwadeenada Safaaradda oo idil in dhamaan dalka kusoo xaroodaan, xiligaas waxaa diblumaasiyiintaas lagu eedeeyay in safaaradda gudaheeda lagu iibiyo mukhaadaraad Jaad uu ka mid yahay oo Sudan mamnuuc ka ah iyo in tahriibayaasha oo gudaha Safaaradda lagu xareen jiray.

Dadka ka dacwoonayay diblumaasiyiinta xiligaas ma ahayn arday ee waxa ahayd Dowladda Sudan laftirkeeda oo dowladda Soomaaliya ka dalbatay in deg deg wax looga qabto dhibaatada safaaradda ka jirta oo meel xun gaartay iskuna rogtay goob halis ku ah akhlaaqda shacabka Sudan.

8 sano kadib 2018 ayaa sidii kale mar kale dowladda amartay in dhamaan lasoo wada xaroodo midaas oo lagu eedeeyay dhowr cabasho oo kala ah 1. Shaqo xumo safaaradda dhexdeeda ah oo warqad yar hadii safaaradda kaa gasho dhibaato kala kulmaysid, 2. In soo saarista Baasaboorka ay qaadanayso mararka qaar sanad ama bilo oo dhankaas luggooyo kala kulmaan muwaadiniinta, 3.In deeqo waxbarasho oo magaca safaaradda lagu helo suuqa lagu iibsado 5. Iyo in diblumaasiyiinta qaar lagu eedeeyay in tahriib si toos ah uga shaqeeyaan oo hanti ka sameysteen.

2010 dowladda oo xiligaas jilcaneed awgeed diblumaasiyiintii amarkii way ka hor yimaadeen iyadoo markii dambe dowladda Sudan maalin cad xabsi u taxaabtay kadibna dalka ka safriyeen, 8 sano kadib dowladdeena oo adag ma filayo in uu jiri karo qof shaqaale dowladeed ah oo xuquuqda dowladdiisa hela in amar diido samayn karo ee waxaa filayaa in laba isbuuc ka hor Xamar layska xaadirin doono insha Allaah.

Marka sheekadan waxaa ka faa’idaynaa in shalay maanta dhaanto maantana bari kasii feecnaan doonto insha Allaah.

Fidow Mohamud