Maamul KMG ah oo loo magacaabay Furdada Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho+Sawirro

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maamule KMG ah u magacaabay Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho.

Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) ayaa loo magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee Kumeel gaar ka ah, isagoona isla maanta loo dhaariyay inuu shaqada si hufan u sii wado.

Dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoona maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay.

Xigasho: Sonna