Garyaqaan Baashe oo shaqa Joojin ku sameeyey Garsoorayaal…

Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka ayaa shaqadii looga joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawl gala Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka.
Shaqo joojinta ayaa timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waaye sida sharcigu qabo kadib markuu ku qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadsa Sare ee Dalka oo ka jawaabaya Ballan qaadkiisa oo ahaa inuu dib u habayn dhamaystiran ku samayn doono Garsoorka markuu la wareegaaye Xilka iyo kajawaabista Madaxwaynha JFS Mudane Maxmaed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” baaqii uu u diray shacabka soomaliyeed oo ahaa inuu soo dhisaayo Garsoor hufan oo ku shaqeeya Caddalad.
Waxaana socda in baaritaan lagu sameeynaayo kaaliyeyaashi shaqad laga joojiyay kuma ekaan doonin shaqo joojin kaliya ayaa lagu warsaxaafadeedka.