Farsamada Gacanta Waa Furaha horumarka ee qaaradda Afrika

Wadamada Yurub waxa horumariyey oo dhaqaalahooda kor u qaadey waa farsamada gacanta. Biraha la qoro, alxanka, makaanikada, elektaroniga tasoo aqoon iyo waayo’aragnimo lagu kabey ilaa ay ka noqotey ( Technology) casri ah.

Soomaalidu waa dad farsamada gacanta ku liita waxaana ugu wacan dhaqankeena reer guuraanimada iyo xoolo dhaqashada ka soo jeeda kasoo takoorta qofka farsamo yaqaanka ah.

15 malyan oo Soomaaliya ah waxey rabaan in shaqo xafiis ah fadhiistaan ama ganacsade noqdaan waana sababtaas ay maanta 70 jaamacadood magaaladiiba Muqdisho iyo Hargeysa ay ugu furan yihiin iyadoo aysan jirin hal iskuul oo farsamada gacanta lagu barto.

Waxaan Muqdisho, Garoowe, Hargeysa ama magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed buuxa kumanaan kun dhalinyaro ah kuwasoo ka soo baxey jaamacadaha dalka oo aan wax shaqo ah haynin oo in badan markii ay ka badatey shaqo la’aanta diyaar u ah in ay tahriibaan oo naftooda badda ku biimeeyaan.

Haddaba soo kama habboonayn in halka jaamacada tirada badan ee tayada liidata wadanka laga hirgilin lahaa in dhalinyaradan loo sameeyo dugsiyo farsamo oo 2 ama 3 sano ah oo ay ku baran karaan xirfado ay iskooda ugu shaqeysan karaan sida noocaha kala duwan ee makaanikada, korontada, faryaamada, dhismaha guryaha, gelinta tubooyinka, cunto karinta casriga ah iwm.

Ilyaas  Mohamud Hussein