Dagaalka dhaqaale ee Turkiga iyo Mareykanka halkee ku dambayn doonaa?

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya dowladaha Turiga iyo Mareykanka.

Muranka ayaa sii xoogaystay ka dib markii maxkamad ku taalla dalka Turkiga ay ku gacanseyrtay racfaan lagu dalbanayay in lagu siidayo baadiriga u dhashay dalka Mareykanka ee lagu magacaabo, Andrew Brunson, oo isagu xabsi guri ku jira.

Madaxwayne Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabatayn dhaqaale oo dheeraad ah ay ku soo rogi doonaan Turkiga haddii aysan siidayn baadarigaasi.

Turkiga ayaa dhankooda ku hanjabay in ay canshuura dheeraad ah ku soo rogi doonaan Mareykanka.

Hadabba, dagaalka dhaqaale ee Turkiga iyo Mareykanka halkuu ku dumbayn doonaa, muranka Mareykanaka iyo Turkiga se ma yahay mid ka wayn siidaynta baadariga ay xiisadda ka dhaatay.

Su’aalahani iyo kuwa kale ayaa waydiiyay Axmed Axmed Sheekh Maxamed (Axmad Tiir) oo ka falood arrimaha caalamka islaamka. Xigasho: BBC