HESHIIS LAGA GAARAY COLAADDII TUKARAQ IYO CIIDANKA OO LA KALA QAADAYO

Wararka aanu ka heleyno Degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,waxaa ay sheegayaan in Maamullada Puntland iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in la kala qaado Ciidamada.

Heshiiska labada dhinaca waxaa ka dambeeyay Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in la kala qaado Ciidanka,in cid waliba Ciidankeeda geysto ka hor dagaalka Tukarraq halka uu joogay islamarkaana labada dhinaca ay miiska wadahadalka isugu tagaan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, oo inta badan ka biyadiidayay heshiiskan ayaa la sheegayaa in uu ugu dambeyn aqbalay.

Dagaalka Tukarraq waxaa uu ka dhashay kaddib markii Ciidamada Somaliland ay 8 Januray 2018 weerar ku qaadeen degaanka Tukarraq oo ay xilligaas ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Puntland.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa dhacay dhowr jeer dagaallo u dhaxeeyay labada dhinaca oo ay dad badan ku dhinteen.

Qaramada Midoobey iyo IGAD ayaa dhowr jeer oo hore u tagay Garowe iyo Hargeysa dhex dhexaadinat labada dhinac,waxaana ay labaduba ku doodeen in dhul ka maqanyahay.

Somaliland waxaa ay ku doodeysay in ay dooneyso sohdintii Ingiriiska iyo talyaaniga ee lagu kala qeybiyay Koofurta iyo Waqooyiga halka Puntland ku doodeysay in ay xoreyneyso Magaalada Laasacood oo ee Xarunta Gobolka Sool.