Dowladaha Somalia iyo Kenya oo heshiis ganacsi wada gaaray

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay dhigiisa Wasiirka Kenya Mr. Peter G. Munya.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kadib   ku heshiiyay:-

(1) in la hirgeliyo Heshiiskii Wadaaga Ganacsiga ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen 29 November 2017.

(2) In la dheelitiro Ganacsiga labada Wadan.

(3) In Soomaliya laga caawiyo sidii ay Ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Wadamada ku mideysan EAC iyo COMESA.

(4) In Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro Kaluun iyo in labada Wasaaradood iska kaashadaan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda.