Xukuumadda Somalia Oo Xadideysa Tirada Jaamacadaha Ka Howlgala Dalka

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu walaacsan tiradda jaamacadaha ku yaala dalka iyo heerka  tayadooda.

Wasaaradda ayaa sheegtay Jaamacadaha dalka oo tiro ahaan gaaraya 97 Jaamacadood qaarkood aysan u diiwaan gashaneyn Wasaaradda Waxbarashada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare Xasan Maxamed Cali (TATA) ayaa xusay in wasaarada ay wado qorshe ay ku xadideyso jaamacadaasi fara badan ee ku yaala dalka

Waxaana uu intaasi ku daray in sidoo kale ayisku dayayaan sidii ay ku tayeyn lahaayeen jaamacadahaasi iyo waliba in sare loo qaado kuliyadaha Kheyraadka dalka.

Dhawaan ayaa xilkii laga qaaday wasiirki waxbarashada ee Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan kadib markii lagu eedeeyay in uu si kulul u weeraray waxbarashada dalka ee hana qaaday mudadii burburka.