Xaalka Soomaaliya iyo Jabuuti: Ninba Waa markiis mas makula koray…

Jabuuti waa walaalaheen dadkeeduna waa dhiiggeenii laakiin waa dal diktaytar haysto oo xukuumad keli telisa gacanta ku hayso.

Markay Jabuuti xorowday 1977 Soomaaliya go’aanka ay qaadatay wuxuu ahaa in qof Jabuutiyaan ah aanu waligii u baahnayn Visa si uu usoo galo Soomaaliya. Maanta Jabuuti ma gali karaa qof Soomaali ah Visa la’aan? Ma haysaan xeryo daryeel oo qaxootiga Soomaaliyeed loo goglay oo loo deegaameeyey markaan burburnay? Intay Kenya hayso ma hayaa Ismaaciil iyo xukuumaddiisu?

Eritrea oo 30 sano taageereysay halgankii ONLF waligeedna Soomaaliya waxyeelleyn balse furin kale Ethiopia ku furtay oo naga mashquulisay 70 000 oo ciidan Ethiopian ah haddii ay Soomaaliya tidhi cunaqabateynta halaga qaado maxaa ku jaban?

Markii Xabashidu gashay Koonfurta Soomaalida ee ummada laynaysay sawtii Ethiopia adeegsanaysay dekeda Jabuuti ee waxay rabto kala soo degeysay miyaannu ugu cadhoonay ama nidhi war xidhiidhka u jara walaalo ayaannu nahaye? Waxani waa danaysi uun saw maaha ilamadeerayaaloow mise waan khaldanahay?.

Arrinta ciidamada iyadu waa mashruuc la biisho oo bariiska ayaa Amisom lala boobayaa waxna ma qabtaan dhulna ma xoreeyaane waaba caqabad hortaagan dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliya hesho.

Waryaadhaheen Ismaaciil dee markuu maqlay in Erdogan Soomaaliya imanayo ayunbuu usbuuc kahor iska xaadiriyay Muqdisho ma xassuusataan? Muxuu u tagi waayay 30 kii sano ee ka horreysay ma Musevenigii Uganda ayaa ka xiga isaguba sagaashameeyadiibuu dhex ordayee.

Si kasta oo ay tahay ba Jabuuti dadkeedu waa dadkeennii ugamana hiillinayno Eritrea iyo cid kale toona laakiin taas macanaheedu maaha inaanaan xidhiidh la yeelan karin dowlad ay is hayaan oo markii horeba Ethiopia isku dirtay.

Khaliif Faarax Xayir