Maleeshiyada Al-Shabaab oo Rasaas ku furay Gaari dad Rakaab ah siday oo socday Mandhera Kenya.

Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in ku dhowaad 8 Qof oo Rayid ah ay ku dhaawacmeen Rasaas ay dableey loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ku fureen Gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandheera Kenya iyo Ceel waaq Soomaaliya.

Gaarigan la rasaaseeyay ayaa noociisu ahaa Toyota Land Cruiser, waxaana loo galay halka lagu Magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya 3-ka mid ah Dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhowr qof oo kalana lagu dawaynayo Cuspitaalka Ceel-Waaq.

Ilaa iyo hadda lama oga dadka saarnaa Gaariga tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen Rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale waxaa jira dhaliilo ay Dadka degaanka u soo jeedidanyaan mas’uuliyiinta Dowladda Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay la sameeyeen Shacabka halkaasi ku sugan.