MAGACAABISTA MUDANE FAHAD YAASIIN XAAJI DAAHIR!!!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, xiligii lamagacaabay mudane: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Soomaaliduse usoo gaabsato “Fahad Yaasiin”, ayaa waxaa nin qoraa ah, wuxuu Maqaal caan-baxay ciwaan uga dhigay: “Ar Fahad Yaasiin iigeeya!”. Ciwaankaa wuxuu dabayaallay ereyadii caan-baxay ee ahaa: “Ar Farmaajo iigeeya!”. Waxaa loola jeeday awooda uu dowladan kudhex leeyahay. Mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu awooda badan dowladan, ama ugu yaraan labada mas’uul ee ugu awood badan dowladan marka Madaxweynaha lagasoo taga, RW Kheyre iyo Fahad. Sida muuqata wuxuu dowladan iyo Madaxweyne Farmaajaba ujoogaa, meeshii uu Faarax C/Qaadir ujoogay dowladii Damjadiid iyo MD Xasan Sheekh Maxamuud. Rag badanoo xilal waayey oo afka furtay, waxeey si dadban ugu tilmaameen erayo yaab lahaa sida: “Faraantiga Jinni ee Madaxweynaha ugu jira”. Qaar kale waxeey dheheeh “Milkiilayaasha dowlada”, iyo ereyo kaloo farabadan. Balse markaad tilmaannahaa iskusoo wada duubto, waxaa nuxurkoodu yahay inuu yahay nin awood badan ku dhexleh dowladan maanta jirta.

Qofka wanaagiisa waa looqiraa, oo lagama xasdo kartidiisa Allaah siiyey. Fahad Yaasiin waa nin aad siyaasada ugu galgal badan.Waxaa lagu sheegaa inuu qeyb aad uweyn kulahaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh jagadaa kusooboxo, illaa uu kusoo baxay warbixintii qaramada midoobay ee lagu sheegayey inuu dhaqaale malaayiin lagu sheegay inuu Qatar ugakeenay MD Xasan Sheekh si uu tartanka ugu galo.Sababtu waxeey ahaataba waa lakala booday isaga iyo MD. Xasan Sheekh.

Waxaa sido kale uu kaalin libaax ku lahaa inuu Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha dalka noqdo.Balse Madaxweynaha sidii MD Xasan Sheekh lama kalaboodine, weey isfahmeen, Madaxweynuha aad ayuu usoo dhaweeyey una magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa Fahad lagu sheegaa inuu yahay nin maamul yaqaan ah, oo ah tan ugu muhiimsan tilmaamaha uu leeyahay. Waxaa mucarad iyo maxaafidba wada qirayaan inuu Madaxtooyada oo inta aan loo magacaabin aheyd meel isku dhexyaacsan inuu kadhigay meel leh maqaam Madaxtooyo.Inta aan Fahad Yaasiin loomagacaabin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dadbaa iska dhex deganaa qeybo badanoo Madaxtooyada ka mid ah, markuu yimi Madaxtooyadii waxeey noqotey meel uu Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo kaliya daganyihiin, dhismayaashii shalay la iska daganaana, wuxuu kawada dhigay xafiisyo qalabeeysan oo lagu shaqeeyo, gaar ahaan Lataliyeyaasha Madaxweynaha oo xafiisyo loowaayey, ayaa xafiisyo kufilan una qalma wada helay.

Waxaa sidoo kale jirtay in Madaxweynaha eey ballan la’aan isaga imaan jireen, looga galinjiray Madaxweynaha marka eey madaxda beesha caalamka, kuwa AMISOM, odey Dhaqameedyo, ganacsato, iyo Xildhibaano uyimaadaan, taa waxaa ugu dambeeysey maalintii Fahad Yaasiin lamagacaabay. Waa qeeybo kamid ah waxa loogu qiray isbadalka lataabankaro ee uu Madaxtooyada kasameeyey.

SAXAAFAD-AQOON AAN SAXAAFADA LAGU ARAG!!!

“Saxaafada qofka yaqaan, kuma degdego”. Fahad Yaasiin, waa xeel-dheele dhanka saxaafada ah, wuxuu madax-sare ka ahaa taleefishinka caanka ah ee Al-Jazeera. Waxaa sidoo kale lawada ogyahay sidii uu xilka uqabtay, waliba isagoo awood badan lagu xanto, hadana ma aha nin saxaafada kasoo dhex muuqda, iyadoo dowladan si aan sax iyo cadaalad toona aheyn, loogu dacaayadeeyo “Igusawir”. Waa dadka daaha gadaashiisa kashaqeeya, oo waxqabadkiisa uu u hadlo. Horaa Soomalida waxeey utiri, “Dhurwaaga kiisa qeeyliya iyo kiisa aamusan waxaa daran kiisa aamusan”.Waa waxa ninkan aan saxaafada lagu arag, rag badan uga qeeyliyeen.

XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA!!!

Wuxuu maanta Madaxweynaha u magacaaya Fahad Yaasiin Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA). Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo, Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyadana uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu sihufan umaamulidoono, isuguna duba dhiridoono.Waxa loobaahan yahay waa maamul dhab ah, xilfada sirdoon saraakiisha iska leg ayaa qabanaya howshiisu waa maamul, hagid iyo hogaamin.

Waxaa sidoo kale loobadinayaa inuu noqondoono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka, waa marka uu isaga un diyaar unoqdo’e.Wuxuu ubaahan yahay waqti uu kukala fahmo waxbadan oo NISA kusaabsan, malaha waana meesho uusucdo’e. Waa hubaal inuu uaqalmo xilka loo magacaabay.

Mahadsanidiin.

By: Abdi Boqor