Madaxweynaha Hirshabelle Oo Loogu Baaqay In Uu Iscasilo.

Waxaa isi soo taraya baaqyada loogu jeedinayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare in uu Iscasilo.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqarre oo la hadlayay Warbaahinta kana mid ah Xildhibaanada Hirshabelle ee wada Ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Waare ayaa sheegay in sababaha ay xilkii uga qaadeen Madaxweynihii hore ee maamulkaas aysan ahayn u jeedo gaar ah balse tahay wax qabad la’aan hadana uu ku sifoobay Madaxweynaha iminka ee Hirshabelle.

Sidaas daraadeed ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabelle in si deg deg ah uu isaga casilo  Xilka Madaxweyne ee Maamulka Hirshabelle maadaama uu ku fashilmay waxqabadkii ay u igmadeen Bulshada Hirshabelle.