Falanqeynta Safarkii Madaxweyne Farmaajo jabuutiyey Rali ahow.!

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti

Wuxuu Aqalka madaxtooyada dalka jabuuti wadahadallo kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankaa oo wixii laga wadahad lay aan la isku afgaran.

Madaxweyne ismail cumar geele ayaa diiday in aaney jirin wax Dawada Faderaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay waqtigan noqoto Qareen u dooda dawlada Eritrea!

Wuxuuna sheegay inay qasab tahay in dhulka jabuuti dawlada Eritrea ka haysato marka hore ka baxdo

Waxay Madaxda dawlada jabuuti diideen inay wax war saxaafadeed ah ka soo saaraan wixii laga wada hadlay. Labada dawladood halkaa waxaa ka cad inay dawlada jabuuti wali aaney ku qancin fariinta uu waday madaxweyne Farmaajo.

Arinka wuxuu muujinayaa inaan wax heshiis ah laga gaarin arrimihii dhex yiilay labada dal, somalia iyo jabuuti Madaxdooda ayna weli taagan tahay xiisadii diblomaasiyaded ee labada dhinac,

Dawlada jabuuti waxay meel fog kataagan tahay siyaasada Qalafsan ee Madaxweynaha dalka Eritrea, Issias Efowerki arinkaa oo ah in uu dhulka qabsadey dalka jabuuti siyaasada arimaha gudaha jabuuti qatar ku yahay. Madaxweynaha Eritrea Efowerki.

Dhamaadkii. ayaa Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eritrea, middaas oo dowladda Jabuuti ay si kulul uga soo horjeesatay in Madaxweyne Farmaajo uu ku taageeray in Eritrea laga qaado cunaqabataynta saaran.

Fanqayntayda waxaa ku cadaynaysaa in aaney wax guul ah laga gaarin Safarkii madaxweyne Farmaajo ku tagay wadanka jabuuti.

Danjire Mahamed Caalim