Gaari Ay La Socdeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Sh/ Dhexe

Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe kooxo burcad ah Gaari Deyno ah oo ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen agagaarka deegaanka Ilduug ee gobolkaasi.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay in uu ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

Waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay darwaalkii Gaariga, sida ay Shabelle u sheegeen Ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhac baahsan Raggaasi ay kula kaceen dhammaan dadkii rayidka ahaa ee la socday Gaarigaasi.

Inta badan deegaanada maamulka HirShabelle ayaa waxaa ka dhaca dhacdooyinka nuucan oo kale ah, mana jirto qorshe cad oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.