Soomaaliya oo sheegtay iney dhex-dhaxaadinayso Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhex-dhaxaadinayso Soomaaliya Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.

Cawad ayaa sheegay in booqashadii uu Farmaajo ku tagay dalkaas uu dhigiisa Isaias Afwerki kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka kala dhaxeeya Jabuuti.

” Dowlada Somalia waxa ay heshiisiin doontaa dowladaha Eriterea iyo Jabuuti si khilaafka daba dheeraaday looga gudbo, kaalinteenu waxa ay noqon doontaa mid leysugu soo dhaweynaayo labada dal, Somalia waxba uma aragto warqada halka mar kasoo baxday Jabuuti ee khuseysay dhaliisha laga muujiyay hadalka madaxweynaha “.

Dabaraani media