SHARCIYAD MA U LEEDAHAY JUBALAND IN AY CELISO TALIYAYAASHA AY MAGACOWDO DOWLADDA DHEXE?

Bil gudaheed markii 2aad Maamulka Jubaland ayaa xabsiga dhigay islamarkaana masaafurin ku sameeyay taliyayaal Ciidan oo ay dowladda Federaalka ah u magacowday degaannada Maamulka Jubaland.

Inkasta oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedka Jubaland lagana dheehan karo shirkii Brussels wixii ka dhacay,ayaa haddana waxaa  uu khilaafkaasi saameeyay xiriirka dhinaca amaanka ah ee Maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka ah.

13kii Bishii la soo dhaafay ee July Maamulka Jubaland ayaa kismaayo ku xiray Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow oo loo magacaabay Taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,waxaana lagu soo celiyay Muqdisho.

Bagmadow,waxaa uu xilka kula wareegay Magaalada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolka Gedo halkaas oo isaga iyo Taliyihii uu xilka kala wareegi lahaaba ay joogeen.

Shalay maamulka Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ku xiray Taliyaha Nabad Sugidda Maamulka Jubaland iyo ku xigeenkiisa oo ay magacawday Dowladda Federaalka ah,waxaana lagu wadaa in maanta lagu soo celiyo Muqdisho.

Cali Mire Ducaalewaa Ninka loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubaland halka   Maxamed Ibraahim uu yahay ku xigeenkiisa,Maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka midkoodna kama hadlin xarigga shalay iyo dib u soo celinta maanta.

Jubaland waxaa ay xariggii Magmadow ku sheegtay in aan magacaabistiisa lagala tashan,sidaas darteedna aysan oggolaaneyn taliye ay ka warqabto in uu degaannadeeda ka shaqeeyo.

Dhinaca Dastuurka marka laga eego Qodobada 53aad iyo 54aad waxaa ay kala sheegayaan habka wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubhana ka ah.

Tusaale qodobka 53aad waxaa uu sheegayaa in dowladda Federaalka ah ay dowlad Goboleedyada kala tashato arrimaha kaalmada Caalamiga ah,Ganacsiga, arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah,waxaa ay xubno ku yeelanayaan dowlad Goboleedyada xubnaka ka qeybgelaya heshiisyada caalamiga ah.

Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah waxaa uu sheegayaa in Awood qeybsiga Siyaasadeed iyo dhaqaale ay ka wada qeybqaadanayaan dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah,hayeeshee qodobkan waxaa uu si gaar ah u sheegayaa in dowladda Dhexe ama Federaalka ah ay u gaartahay afar qodob oo kala ah;  Difaaca Qaranka , Siyaasadda lacagta, Jinsiyadda iyo socdaalka iyo arrimaha dibadda.

Muranka hadda u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka ah waxaa uu la xiriiraa qodobka difaaca Qaranka oo ay dowladda Federaalka ah leedahay.

Jubaland qeybtan waxaa ay ku yeelan kartaa arrimaha madaniga ah sida Booliska iyow ixii la mid ah,waxaana ay u muuqataa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada aysan sina ugu wada dhaqmeyn Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.