Senator Nadiir Oo Kenya Ka Dalbaday In Magdhow Ay Ka Bixiso Burburkii Loo Geystay Hormuud.

Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada kenya ay ka geystaan K/ Somalia.
Ugu horreyn Senator Nadiir ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka dhan ah shacabka ay k fuliyaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah loola beegsado dadka reermiga ah eek u sugan gobolladaasi.

Sidoo kale waxa uuxasay in Ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd halkaasi, loona baahanyahay in dowladda dalkaasi ay magdhow ka bixiso burburka hantidaasi.
Waxaana uu intaasi ku daray in ka Baarlamaan ahaan ay aad uga xun yihiin dhibaatooyinkaasi.