Maqaal:Puntland 20 sano xildhibaano ayaa doorannaaya horjoogaha Puntland, Maxaa sababay?

Odayaasha #Puntland ayaa soo xuli doonna golaha mudanayaalsha Puntland 2019, kuwaasoo doorannaaya horjoogaha Puntland.

Iskuddar baarlamaanka Puntland waa 66 xildhibaan, Odayaasha soo xulaaya waa in ka yar 30 oday, Puntland waxaa ku nool dad ka badan labo Milyan.

Oday kasta wuxuu soo xullaaya midka ugu dhow qaraabaddiisa ee jeebkiisu qoyyan yahay.

Wiilkii ka dhashay maalintii la aasaasay Puntland waa 20 jir baagamuuddo ah, waxbarasho iyo addeeg caafimaad wanaagsan ma helin.

Dhallaanhabaabiskii Horjooge Cabdiwali Gaas.

Afar sanno iyo bar ka hor markuu ololaha doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in Puntland doorasho qof iyo cod ah gaarsin doonno, Laascanood soo celin doonno, caruurtiisa iyo kuwa Badhan iyo Caluula isku meel wax ku baran doonnaan iqkb oo markii dambe noqday dhedo roob noqon weyday.

Dad badan ayaa isweydiin goorma Puntland doorasho qof iyo cod ah ka dhacaysa?.
Goorma caddaalad iyo sinnaan shacabkeedu heli doonnaan?.
Goorma qori isku tuurku joogsan doonna?.
Goorma canshuurta dib loogu celin doonna shacabka?.
Goorma xaalufiinta badda, ugaarta, deegaanka iyo weliba hantida lagu hayo la joojin doonna?
Goormay shacbiga Puntland heli doonnaan masuul u qalma?.
Iqkb?.