Jubbaland oo war ka soo saartay Taliyeyaal DF magacawday oo ay ku xirtay Kismaayo

Laamaha amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay galab garoonka ka celiyey Taliyaha NISA iyo ku-xigeenkiisa oo dowladda Somaliya ay u magacawday degaanada Jubbaland.

Labadan sarkaal ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha NISA iyo ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim , waxaana xalay saraakiishan ay ku hoydeen xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sababta ay u xirtay Labadan Taliye waxa ay ku sheegtay inaan laga tali gelin magacaabista Taliyeyaashan iyo inay imaanayaan magaalada Kismaayo, waxayna tilmaamtay in dowladda ay ka baxday heshiis ay la gashay maamul goboleedyada.

Hay’adda NISA ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay inay gacant ku heyso Labadan sarkaal, islamarkaana maalinta berri ah ay ku soo celin doonaan magaalada Muqdisho oo shalay ay ka tageen.

“Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Jubbaland oo ah Hay’ad taliska dhismeheeda iyo kan ciidanba dhameystiran yahay ayaa gacan bir ah ku dhigtey amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo keentey xasiloonida iyo amniga ka jira Jubbaland ee ay bulshada reer Jubbaland ku wada naaloonayaan”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogda dalka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.

waxaasi maanta la filayaa in dib loogu soo celiyo magaalada muqdisho.