Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay duleedka Balcad

Ciidamada milatariga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameyay deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Dhexe.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga Somalia ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay in ka badan 10 qof oo la tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Waxaana ay sheegeen saraakiishu in dadkaasi ay ku soo bandhigi doonaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Howgalladan ayaa ku soo aadaya, xili muddooyinkii dambe Al Shabaab ay sare u qaadeen weerarada ay ka fuliyaan gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.