Wafdiga Ka Socda Eritrea Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Muqdisho

Waxaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia casho sharaf loogu sameeyay wafdiga ka socda dalka Eritrea ee shalay soo M/ Muqdisho.

Wafdigani oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Ismaan Saalax ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ugu sarreysa dalka.

Waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku aadan xiriirka Eritrea iyo Somalia, iyadoona uu wafdigan hordhac u yahay booqasho la filayo in Mugdisho uu ku yimaado Madaxweynaha dalkaasi.

Boqashada xubnahan ka tirsan dowladda Eritrea ayaa daba socda mid uu dhwaan dalkaasi ku tagay madaxweynha JFS Mudane  Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.