Maqaal: Maskax Dadban. W/Q Hosow

18 sanno oo fursad ah ayay ku siiyeen, xildhibaan, Guddoomiye Baarlamaan, RW ku xigeen, Guddoomiye Baarlamaan, madax maamul goboleed adigoo warqadaha si dadban u aqriya.

Intaas waxaa garab kuu ahaa dad kale oo u aqriya warqadaha sida aad hadda u heysato. Jiilkaas wuu galbaday, kan kaagi ma aha, ee adigoo sharfan isaga leexo!

18 sannadood hal qof oo Soomaali ka dhex muuqda ma aadan soo saarin, wax aan sheegno oo aad qabatayna ma jiraan.

Waxaa la joogaa waqtigii aad fursadda ay ku siiyeen aad u sii gudbin lahayd ugu yaraan qof warqaddaan u qabsan kara sida caadiga ah ee warqad loo aqriyo.

Illaa iyo hadda waxa ku qoran in ay dadban yihiin ma ogi, laakiin 99% warqadaha ma dadbanna!

Maskaxda ayaa dadban, dadkaan dhibbana waxay istaahilaan qofka Soomaali ugu fiican, oo dhex jooga, dhex gala, ka war haya. U soo xula qofkooda ugu wannaagsan, tagis ayaa kuu wannaagsan si aad si sharaf leh ugu noolaato meelaha aad diyaaradaha u raacraacdo.

Marka aan arko in bil walba Baydhabo lagugu soo dhoweynayo laba jeer, iyo ka badan, waxaa igu soo dhacda boosteejo ay diyaaradaha shidaal ka qaataan.

Baydhabo boosteejo ayay noqotay!

Hassan Adam Hosow