Jen. Gorod “Ciidmada Militeriga waa inay dhowraan Xuquuqda Aadanaha marka ay howlgalka…”

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka inay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Jen.Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.

Taliyaha ayaa digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku biiray taliyaha ciidanka iyo ciidamada si looga wada hadlo qodobbada Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, oo ka dhacay Aqalka Guud ee General Gordon ee Muqdisho Isniintii.

AMISOM waxay tababbareysaa tababarka Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku saabsan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo Xuquuqda Aadanaha.

“Sharciyadu waxay khuseeyaan xaaladaha dagaalka, kuwani waa saraakiisha iyo askarta u dhaqdhaqaaqa si dhaqso ah.

Fikradda waa in ay hubiyaan in la fuliyo waajibaadyada caalamiga ah ee khuseeya, xeerarka ilaaliya dhibbanayaasha dagaalka,sharciyada xaddidaya saamaynta iskahorimaadyada hubaysan, sharciyada xakameynaya hababka iyo hababka dagaalka” ayuu yiri Dr. Cumar Cabdulle Alasow, oo ah Lataliyaha Sare ee AMISOM ee Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo Xuquuqda Aadanaha.