Ciidanka Dowladda oo qab qabtay 5-ka tirsan Al-Shabaab oo soo weeraray Fariisin ay ku lahaayeen Duleedka Muqdisho

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaadday fariisin ay Ciidamada Dowladda ku lahaayeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Cidammo ka tirsan Guutada qeybta 12-ka April ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Bar Koontarool ku leh deegaanka Calamada ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay shanta nin oo uu mid ka mid ah dhaawac yahay.

Waxaa sidoo kale ciidanka dowladda u suurtagashay inay sidoo kale qabsadaan Gaarigii malleeshiyadaas ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Baabuur Safar ah.

Sargaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay hayeen warka la xiriira malleeshiyo Shabaab ka tirsan oo weerar ku soo ah, ayna u diyaar garoobeen, isla markaana u suurtagshay inay dhamaantood nolosha ku qabtaan Maleeshiyaadkaasi.

Dhanka kale Sargaalkaasi ayaa sheegay in maleeshiyaadkaasi loo soo qaaday magaalada Muqdisho,kuwaasi oo tiradoodu ahayd 5-rag oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.