Faah faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Howlgal Ciidanka Danab ka fuliyeen Deegaanka Basra ee G/Sh/Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hawlgal gaar ah oo ciidamada Kumaandoska ee Danab ay ka fuliyeen duhurnimadii maanta degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad, Gobolka Sh/Dhexe.

Weerarkan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka Danab oo ay ku wehliyaan kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig Al-Shabaab oo ku yaalay degaanka Basra.

Hawlgalkan waqtigii uu socday wxaa la arkaay diyaarado dagaal oo ka qeyb qaadanayay hawlgalka, waxaana duqeyntaasi fuliyay ciidamo Maraykan ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxay sheegeen in weli uu socdo hawlgalka lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaaraha dhabta ah ee hawlgalkan.

Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in halkii uu dagaal ka dhacay ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda, iyagoo Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ay halkaasi isaga carareen.