Aqoon Guud, hadeey kugu adkaato iska dhaaf.

A)-Reer Ibliis (Owlaadul Shaydaan).

Ibliis oo ahaa kan shayaadiintu ku ab tirsato, waxa uu leeyahay ubad badan oo ka farcamay. Sida mufasiriinta Culumada qaar ay isku raaceen. Owlaadiisa waxaa ka mid ah:

1-Laaqis iyo walaalkii Walhaan: shaqada ugu badan oo ay qabtaan waa in ay dadka quluubtooda galiyaan was waas iyo shaki u horseedi kara dembi.

( Labadan meela badan oo dalka Somalia ah waa laga helaa)

2-Murra: oo isna ah Sheeydaan kale, oo lagu naaneyso ( Wasalguur): waxa uu ka shaqeeyaa Suuqyada ay dadku wax is ku dhaafsadaan, badeeco ama howla kale sida Suuqa Siyaasadda.

(kan in Suuqa Bakaaraha iyo Golaha shacabka uu u shaqa tago waa suura gal)

3-Batar: waxa uu ka shaqeyaa Balaayada, sida in uu nuucyada colaadaha kiciyo , dadkana isku diro, qof qof iyo qabiil qabiilba.

( waxaan u maleeynayaa in kani howl badan uu ka qabtay somaliya, Saldhigyo waaweeyna uu ku leeyahay Gobalada oo dhan)

4-Acwar ( ileey) oo shaqadiisu tahay: in uu Ragga iyo Dumarka Fisqi isagu keeno.

( kan Mafrashyada Jaadka iyo Xeebta Liido in uu u shaqa tago waa suura gal)

5-Badruus ama Madruus oo shaqadiisu tahay : in uu wararka been abuurka ah dhiiri galiyo, dacaayado aan tix raac leheyna uu fidiyo.

( kan Xafiisyada Mucaaradka & Muxaafadka in uu ka howl galo u maleey)

6-Daasin oo shaqadiisu tahay: in uu la dago qoysaska aan Gurigooda Allaah Lagu xusin, Cibaadaduna ka suushay, wax la cuno ,sariirtana la jiifto qooyskaas.

(Kan Gurya badan oo Xamar ku yaal ayuu lacag la’aan ku degen yahay)

Lixdaa Shaydaan, walaalahood iyo Howlaha ay qabtaanba Alla ha naga najeeyo.

Sida ay sheegeen, Imaam Qurdubi & Imaam Shacbi ,Ibliisku waxa uu leeyahay owlaad badan, waxaa taa ku raacsan Sh.Maxamuud ow Cabdulle Cariif. Quraanka ayaaba hore noogu sheegay in sheeydaanku owlaad uu leeyahay. Culumada qaar ayaa waxa ay qabaan in uu sheeydaanku Ukumo dhalo ,uuna haadii ( Duu’li) karo.

Ogoow Shaydaanul Jinigaa waxaa sii dheer, sheydaanul Insi, waa dad sheeydaanku kireystay una wakiishay in shaqadii uu qaban lahaa qayb ka mid ah ay u qabtaan.

Ogoow 6daa ilma sheydaan ee aan magacaawnay iyo kuwa kaleba Muqadisho & meela kale oo Dalka ah ayey ka howl galaan.

FG: Sheeydaan soow u egyahay ma aqaan, laakin dad ayaa sidaan u suuradeeyo. (F.S: 1,2, & 3aad).

B)-Asxaabul Kahfi ( people of the Cave).

Haddiiba duulkaa xun aan magacyadooda sheegnay maan sheegno magacyada Duul kale oo wanaag lagu tilmaamay, sida Asxaabul Kahfi, oo ka soo cararay Boqorkii Dhagxaha caabudi jiray ee lagu magacaabi jiray: Daqyanoos (Decius). Kadibna waxa ay galeen God halkaa ku yiil oo ay ku hurdayeen 300 Sanno, waxaa la yiraa waqtigaa dadku sannadaha waxa ay ku xisaabsan jireen Qoraxda waana 300 saano,Sida Qur’aanku noo sheegay.

Allahna uu ugu magac daray Suurad ka midah qur’aanka, kadib ayaa dadku bilaabeen in ay waqtiga ku xisaabiyaan Bil ( 12 billod) halkii qoraxda ay ku xisaabin jireen, markaa tirade waxa ay noqonee 309 sanno, ogoowna xisaab dhinaca tirada Qoraxda iyo Bishuba isma diidayaan, in kasta oo cadadka Asxaabul kahafi siyaaba kala duwan culumadu u sheegaan, haddana qisadan waxaa lagu sheegay diimo kale oo samaawi ah oo Allaah Cwj soo dejiyay.

Juhdi badan oo Culuma’u diinkii hore iyo baaritaan ay sameeyeen taariikh yahano hore waxaa lagu ogaaday magacyadooda, xattaa markii hore waa la isku khilaafay halka godkani ku yaal, 6 waddan ayaa marba mid lagu sheegay, ugu dambeeyn iyada oo tafsiirka ayaayadaha Suuratul kahfi la qaadanayo ayaa la isku raacay in Godku uu yahay kan ku yaal Dalka Joordan. Magacyada 7 Asxaabul kahfina ay yihiin:

1-Muksalmina. 2-Tamlikha. 3-Martunis. 4-Sanunis. 5-Sarinunis. 6-Dhu Niwas . 7- Ka’astitiunis iyo Eeygii la socday oo lagu magacaabi jiray Qitmeer.

Caalimka Ibnu Cabaas ayaa leh, waxaan ku jiraa Qaliilunta og magacyadaa, taariikhyahanadu waa ku raaceen.
Dadkii hore qaar ka mid ah ayaa magacyada Asxabul kahfi, waraqad ku qoran jiray mar kasta oo ay safrayaan xattaa magacyadaa Daawa ahaan ayaa loo isticmaali jiray, maanta dad badan ayaa Godkii Asxaabul kahfi ay ku dhax hurdayeen 300 sanno, Booqasho u tago. ( F.S: 4, 5 & 6aad).

Allahii Asxaabul kahfi, Cadaw uga badbaadiyay, god dhaxdii ay 300 sanno ku hurdayeen, Somalidana haka badbaadiyo Cadawgeeda.

FG: Allaah ayaa ku cilmi leh. Waa iga Aqoon guud, wixii iga qaldan iga sax, arragtidaadu waa noo muhim.

Qore: Yahya Amir.