WAA MAALIN TAARIIKHI WAANA GUUSHA SOOMAALIYA:

Lixdan sano ka dib, waa maalintii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato gudi aqoonyahano Soomaaliyeed ku taqasusay dhaqaalaha si ay salka ugu dhigaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Aqoonyahanadda Soomaaliyeed waa kuwa inta badan haaystaan PHD economics. Waxaan xusayaa Dr. Ali Isse Abdi oo ah runtii qabiir dhaqaalayahan ah, sidoo kale Prof. Husein Warsame, Dr. Aweys Sheikh, Dr. Sakhawadin Mustafa iyo Dr. Husein Mohamed Said. Waxaan leeyahay hambalyo, waxaad fursad u hesheen inaad dalkiina caawisaan waqtigaan adag.

Waxaa kaloo ayadana mudan hambalyo dhaqaalayahano ka socda caalamka oo ayaguna raba inay aqoontooda iyo waayo aragtinimadooda ay ku biiriyaan Gudiga Dhaqaalaha Soomaaliyeed. Kuwasoo kala ah

Dr. Abdalla A. Hamdok, Dr. Peter J. Middalebrook, Dr. Edward Sambili, Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa Dowlada Soomaaliyeed iyo caalamka oo iska kaashaday suura gelinta arintaan laf dhabar u ah hurumarka dalka, waxaan waligeey aaminsanaa in Soomaaliya ay u baahan tahay inay ka fa’ideeysato aqoonyahadeena si dalkaan uu u noqdo Dayaxii Africa.

Mahadsanid Mudane Madaxwayne Mohamed Farmaajo, iyo PM. Khayre. Guuleesta inshalaah.

Sheikhnor Qassim