Saraakiil Al-Shabaab ah oo lagu dilay Deegaano hoos taga Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey deegaano hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Al-Shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose.

Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalkan lagu khaarajiyey Farxaan Daahir Xiirane oo isna Al-Shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, wuxuuna Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.