Waxba kuma lihidiin Soomaaliyada Mustaqbalka

Qof ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka oo ka caraysan qoraalkii aan maamulka KG ka qoray ayaa ila soo xiriiray, wuxuu ii sheegay in ay la dhimmayaaan oo amnigooda iyo noloshoodaba ay ku xiran tahay guusha Shariif Xasan. Wuxuu ii raaciyay su’aal aan la yaabay oo ah,

“Waxaad joogtaa qurbaha, waad shaqeysataa, nabad baad heysataa, haddii maamulka uu soo noqdo dhib gaar ah kuma qabtid, maxaad nagu heysataa?”.

Inuu maamul soo noqdo ma diiddani haddii uu si sax ah ku soo baxo. Midda aan diiddanahay waa in aragtida mujtamaca ee waxtarka u yeelan lahayd KG iyo Soomaaliba la baabi’iyo.

Nov 18, 2018 kaba soo qaad waxaa soo noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ragga waan ku dul dhimmanaynaa leh oo u badan dadka hadda jooga ee aan qoraalkayga hore ku sifeeyay xirfaddooda ayaa golihiisa ku soo noqday, guddiyada qarankana ka mid noqday.

Sida lagu sheegay shirkii amniga ee ka dhacay Baydhabo, madaxda dalka waxay sheegeen in Soomaaliya ay 2020 gali doonto kala guur siyaasad, oo doorasho, dhameystirka dastuurka, qeybsiga kheyraadka, iyo jaangoynta Soomaaliyada mustaqbal oo ay ka shaqaynayaan guddiyo khubaro ah.

KG ra’yigeeda waa u muhiim Soomaaliyada mustaqbalka, ama wax sax ah bay wakiiladeeda ayidi karaan, ama wax qaldan oo aan danno dalka ugu jirin bay diidi karaan. Laakiin waa marka dad khibrad iyo aqoonteeda leh la helo.

Hadda guddiyadaas waxaa loo xulay qaarkood dad aan hal ra’yi ka jeedin karin, oo waxbarasho iyo khibrad dowladnimo iska daayee aanan xitaa magaalo muddo joogin. Qaarkood waxay keligood galeen dhowr guddi oo masiiri ah oo lagu jaangoynayo Soomaaliyada cusub. Marka aad weydiiso sababta dadkaas ay howlahaas aysan awoodin isugu riixayaan, waxay kuu sheegayaan in ay mushahaaraad fiican uu uga soo dhacayo dhowr jiho.

Xubin gole wasiir, baarlamaan, guddi waa bpos (platform) loogu adeegayo dal iyo bulsho ee ma aha shaqo caadi ah ee ganacsi ama xafiis oo musharaad laga qaato. Haddii ay saas tahay, jago walba oo dowladeed waxaa la siin lagaa dadka tabaalaysan si ay mushahar fiican uga helaan.

Nov 18, 2018 kaddib haddii uu dhaqanka sareynsiinta dadka aan howshan ahalka u ahayn ay socoto, una badi in ay socon doonto, reer KG, waxba raad kuma yeelan doonnaan naqshadeynta Soomaaliyada cusub, xitaa hal xaraf oo dastuurka ka mid ah, nidaamka waxbarashada, dhaqaalaha, tirakoobka, kheyraadka iyo…..nasiibkiin.

Dhaqankaan wuxuu casilay qeyb ka mid ah Soomaaliya, oo ay Soomaali oo dhan ay u baahneyd!

Baydhabo derbiyadeeda waxaa laga helayaa boqollaal qofood oo howshaas qaban kara, laakiin waa laga fogeeyay miiska go’aanada sababtoo ah waxay leeyihiin damiir damqada oo dhihi kara “maya” haddii wax dalkooda iyo dadkooda dhaawaca xoolo ama mansab dhaafsiista la yiraahdo, garasho daranna ma saamayso!

Cadawga koowaad ee Shariif Xasan waa qofka awooda “Maya”.

Nasiibkiin!

Hassan Adam Hosow