TAARIIKH DAA WAX NA BARTAY .!!

Aduunyo saxan saxan ku gud Lee waaye,hadiiba maanta laleeyahay Cabdi Ileey baa diyaarad ay ciidamo Ethiopian ah wataan looga qaaday Jijiga oo ah magaaladiisii isagoo aan xor aheyn ilaa iyo hadana lama yaqaano meel uu ku sugan yahay, waxa ayse u badan in la geeyay xero ciidan, waxa ku xiga ee ka soo yeeri doonaana waxay u badan tahay waa la xiray odaygii.

 

=Arinkaasi waxa uu i soo xasuusiyay markii sidaan oo kale Qalbi dhagax Muqdisho oo ah magaaladiisii diyaarad looga qaaday isagoo aan xor aheyn meel la geeyayna la aqoon waayay inkastoo aakhirkii waa la xiray ay noo xigtay. Maalintaan Cabdi Maxamuud Cumar isagoo atoore ah ayuu ku diganayay isla magaaladan Qalbi dhagax maantana Qalbi dhagax waa xor waxa uuna ka hadlayaa arimo waaweyn, Cabdina lama yaqaan xaalkiisa oo weli waa lagu muransan yahay, waxaase suurtagal ah inay noo xigto waa la xiray Allow Alle.

=Aan soo qaato Sheeka kaloo lala xiriirin karo tan hore,Waqtigii Maxkamadaha Islaamiga ah waxaan xasuustaa Sh Xasan Dahir Aweys iyo Saaxiibadii oo dardar ku socda inay ku qasbeen Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeed yadii Muqdisho in ay magaaladoodii iyagoo naftooda la baxsanaya dooni badda taala ku carareen, Maalintaas Sheekha xaalkiisa Allaa ogaa. Odayaashuna mudey dibad wareeg ahaayeen iyagoo weliba la qab jabiyay.

=Hase yeeshee sanado ka dib waxaan iyadana xasuusanaa in Sheekh Xasan Daahiir oo saaxiibadiis naftiisa kala baxsanaya inay dani ka geyn weysay inuu habeen madoow naftiisa doon kula soo baxsado iyadoo la eryanayo maantana waa uu xiran yahay, Muuse & Bashiirna waa xor waxayna ka hadlayaan arima kaloo waaweyn Allow Alle

Tusaalayaal kaloo dhowr ah oo la isku soo qaadan karo ama lala mataaneyn karo dhacdooyinkan waxa ay ka guuxayaan agteyda,balse maanta aan u daayo labadaas dhacdo ee aan iidiin soo xulay.

=Markay halkaa taagan tahay Anigu badda leen ku ciyaaraa ee qof kastoow ha iska durdurine daruus taada dib aqri :-

Waa lagaa horeeyaa
Hareerahaa la joogaa
Haatuf kula socdaa jira
Hadhkaagaa laguu diray

MAXAA YAAB IS DABA YAAL.!!!

Abdulkadir Faarah Dulyar