Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya inay maanta la wareegeen deegaanka Gaywarow oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooleey ee G/Shabeelaha Hoose.

Ciidamada is garabsanaya ayaa inta aysan tuulada Gaywarow la wareegin waxay dagaal la galeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan inaan weli la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saakay dhacay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen tuulada Gaywarow.

Dhanka kale lama oga inay baaqi ku sii noqon doonaan ciidamada qabsaday tuuladaasi oo ku dhaw magaalada Qoryooley ee G/Sh/Hoose.