Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah kuwaas ay ka mid yihiin sida loo xoojin karo mashaariicda Dowladda Shiinaha ka sameyso Soomaaliy iyo xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Qin Jian oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in uu ku furaxsan yahay in uu yimaado Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna soo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya dooneyso inay xiriir dhow la sameyso Dowladda Shiinaha.

“Qiyaastii Todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah ayaa wax ku barta dalkaan, kummannaan kalana horay ayey uga qalin jebiyeen, waxa ayna gacan ka gaysteen dib u dhiska dalka”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiskii nabadadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta hoggaanka Suudaanta Koonfureed, isaga oo madaxweyne Al-bashiir ku ammaanay dawrka wanaagsan ee uu ku lahaa, sheegayna in heshiiskaasi uu muujinayay in Afrika ay xallisan karto mashaakilaadka dhexdeeda ah.

“Aniga iyo wafdigeyga waxa aan aad ugu faraxsannahay in aan kasoo qayb galnay heshiinkii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu qaatay dawr hogaamineed, waxa uu si gaar ah u qabtay hawl wanaagsan, isaga iyo shacabka Suudaan waxa aan uga mahad celinaynaa dawrka dhiirri gelinta leh ee ay ka qaateen nabadaynta Suudaanta Koonfudeed. Heshiiska ay saxiixeen dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed ee ay goob joogga ka ahaayeen madaxda gobalka oo dhan waxa uu muujinayaa in xallinta mashaakilaadka Afrika uu u yaallo Afrika”, ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.